Nin Hubeysan Oo Isku Dayey Inuu Gudaha U Galo Guriga Wadaadka Turkish-Ka Ee Fethullah Gulen

USA (GNN) Nin hubeysan ayaa la tuhunsanyahay inuu arbacadii isku dayey inuu galo dhisme ku yaalla gobolka Pennsylvania ee Mareykanka oo uu degan yahay wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen, hase yeeshee waxaa ceedhsaday ilaalada dhismaha.

Afhayeen u hadlay Gulen ayaa sheegay in ilaalada ay hawada ku rideen xabado, kadibna qofkan la tuhunsan yahay uu cararay.

Booliska gobolka Pennsylvania ayaa baadhitaan ku sameeyey goobta, hase yeeshee ma aysan helin qofka la tuhunsan yahay. Bayaan kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in baaritaanka uu weli socdo.

Kooxda Gulen ayaa sheegtay inay rumeysan yahiin in dowladda Turkiga ay ka dambeysay falkan, ayaga oo xusay in afhayeen u hadlay madaxweyne Erdogan uu horey ugu hanjabay howl-gal ka dhan ah Gulen.

Gulen ayaa xulufo la ahaa dowladda Turkiga, hase yeeshee waxa uu Mareykanka usoo baxsaday sanaddii 1999-kii markii dowladda ay ku eedeysay inuu isku dayey inuu waxyeeleeyo nidaamka calmaaniga ah ee dalkaas.

Gulen ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu agaasimay isku-daygii afgambi ee dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay bishii July ee 2016. Mareykanka ayaa diida codsiga Ankara ee ahaa in loo soo gacan geliyo Gulen.