Puntland oo Baajisay shir uu Garoowe ku qaban lahaa wasiirka qorsheynta Somalia

Puntland ayaa ka hor istaagtay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan shir uu galinkii dambe ee Axadda maanta ku qaban lahaa magaalada xarunta ah ee Garoowe.
Shirkan oo la qorsheeyay inuu ka dhaco xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, ayaa wasiirka wuxuu kula hadli lahaa ardayda wax ka barata jaamacadaha Puntland ee ku yaalla magaalada Garoowe.
Kulanka la baajiyay, waxaa kalo  ka qayb gali lahaa guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, haddana ah la-taliyaha Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wasiirka warfaafinta Puntland,Cabdi Xirsi Cali  wuxuu sheegay sababta shirka loo baajiyay inay la xiriirto go’aankii ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda federaalka, sida ay baahiysay BBC-da.
Gabiley.Net