Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 8 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Soomaaliya sidoo kalena la dhaawacay 12 kale.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 8 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Soomaaliya sidoo kalena la dhaawacay 12 kale.

Warbixin ay soo saartay hay’adda ayey ku sheegtay in laga soo billaabo January ilaa September 2018 8 ka mid ah shaqaalaheeda la dilay, 12 la dhaawacay, 18 la afduubtay, 13 kalena muddo kooban la xiray.

Waxaa ay warbixinta ku sheegtay in 90 shil oo ka dhan ah shaqaalaha Samafalka ee Soomaaliya ay dhaceen sanadkan gudahiisa.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu sheegay in dhimashada ugu badan ay ka dhalatay weerarrada Al-shabaab ee ka dhacay Muqdisho,kuwaas oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

labadii bilood ee la soo dhaafay Hay’addu waxaa ay sheegtay in 34,000 Qof oo rayid ah ay ku barakaceen Gobolka Shabeellaha hoose,kaalmadii la gaarsiin lahaana ay saameyn taban ku yeesheen Al-shabaab.