Saxafi Mucaarid Ku Ah Boqortooyada Sacuudiga Oo Lagu Waayay Safaaradda Istanbul Ku Taala Iyo Sucuudiga Oo La Sheegay In Uu Dilay

Istanbul (GNN):- Jamaal Khashooggi Oo ah nin

Sucuudiya oo Qoraa ah. Wuxuu u shaqeeyaa Jaraa’idka Washington Post ee Maraykanka. Waxa la yidhaa Jamal Khashooggi. Waa nin mucaarad ku ah dawladda Sucuudiga siiba Amiir Maxamad bin Salmaan. Salaasadii hore ayuu Safaaradda Sucuudiga ee Istanbul galay si uu uga soo qaato waraaqo cadaynaya in uu xaaskiisii hore furay taasoo u banaynaysa in uu guursado xabiibaddiisa Turkishka ee Hatice Cengiuz eed sawirka ka aragtaan. Safaaradda weli kamuu soo bixin.

Image result for Jamal Khashoggi

 

Mudane Jamal Khaashooggi wuu sii garanayey in ay wax ku dhici doonaan. Xabiibaddiisa Hatice wuxuu ku yidhi haddaan safaaradda ka soo bixi waayo Madaxwaynaha Turkiga iyo dawladdiisa ogaysii.

Ilaa iyo maanta muuqa Jamal Khaashoogi lama hayo Turkiguna waxay aaminsanyihiin in Safaaradda lagu dhex dilay. Eeddaa Sucuudigu wuu dafiray arrinkana cilaaqadda Sucuudiga iyo Turkiga oo aad u liidatay kadib markuu Turkigu la saftay Qadar oo Sucuudugu cunaqabatayn ku soo roggay ayey sii dhaawacaysaa.