War-Naxdin Leh-Alle Ha U Naxariistee Maxamed Miyir Xaaji Oo Hargeisa Ku Geeriyooday.

Hargeisa(GNN):-Alle ha U Naxariistee Waxaa Goordhaweyd Cusbitaalka Royal ee Magaalada Hargeisa Ku Geeriyooday Marxuum Maxamed Miyir Xaaji Oo Kamid ahaa Bahda Fanka iyo Suugaanta Somaliland,

Marxuumka Ayaa u Geeriyooday Xanuun Degdega Oo Ku Soo Booday Habeenkii Jimcaha ee Ina Soo Dhaafay, Waxaana Xaaladiisa Caafimaad oo ahayd mid miyir doorsoon ah wakhtigaa kadib waxaa xaqii ku yimid maanta.

Alle ha U Naxariistee Marxuum maxamed Miyir Xaaji Ayaa Ka Mid Ahaa Shaqsiyaadka Tirada yar ee Eebe Hibada Gaarka ah u Siiyey tumista Cuudka Ama Kabanka, Kaas oo Tobankii Sano ee ugu Danbeeyey uu kamid ahaa Shaqsiyaadka Faro ku tiriska ah ee Sida Gaarka Loogu Yaqaano.

Waxaana labadii Sanno ee ugu Danbeeyey uu kamid ahaa Kooxda Fanka iyo Sugaanta  Xidigaha Geeska Oo uu kamid ahaa Shaqsiyaadka Tiirarka u ah dhinaca Laxamada iyo Tumista Codadka.

Maxamed Miyir Xaaji.

Dhammaanba Shaqaalaha Kala Duwan ee Shabakada Gabiley News Network Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u Dirayaan Ehelka iyo Qaraabadii uu ka Baxay Marxuumku iyo Dhamaanba Asxaabtii Ay Bah-wadaagta Shaqo Ahaayeen. Alle ha u naxariisto. Aaamin Aaamin Aamin Yaa Rabi.