Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Dawladda Farmaajo U Soo Jeediyey Baaq Ku Saabsan Somaliland + [ Waa Nooca Uu Yahay ]

Muqdisho  (GNN):- Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo dawladooduba ay ka garaabaan dhibaatadii shacabka Somaliland ka soo gaadhay dawladii Soomaaliya, waxaanu si da’dban ugu eedeeyay dawladda wakhtigan ee Farmaajo inay sii kala fogaysay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ku faanay inuu iska ilaalin jiray in la kala fogaado.

Image result for Xasan Sheekh Maxamuud

 

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho oo loogu doortay guddoomiye urur siyaasadeed, wuxuu u soo jeediyay dawladda Soomaaliya iyo shacabkooda inay dawladnimada Soomaaliya keen Somaliland sidii ay shacabka Somaliland xorriyadoodii u geeyeen lixdankii.

Wuxuu Xasan Sheekh yidhi “Walaalaha waqooyiga ee keenay midnimada iyo walaaltinimada halkan u yimi ee isku biiray ee ay samaysantay Jamhuuriyadii 1960 jirtay waxay mudan yihiin in taariikhda lagu xuso wanaagaas iyo niyadsamida Soomaalinimada ah ee ay barigaas la yimaadeen, duruuftaasi waa ay isbadashay walaalahaasina waa ay maqan yihiin oo waxbay tabanayaan, magaca dawladnimada ayay wax ku tabanayaan, magaca dawladnimada in lagu dhibay oo wax looga biyay ayay tabanayaan waxa ila haboon dadka Soomaaliyeed dawlad iyo shacaba inaan walaalahaas garowshiiyana siino markeenana aan u gayno oo aan midnimadii,dawladnimadii iyo walaaltinimadii inaan qaadno oo aan agtooda gayno, waanan hubaa in aanay inagu soo celinayn, laakiin intaan aad uga fikirno sida si ugu fiican dhibkii dhacay iyo mushkiladii dhacday ee magaca dawladnimada loogu gaystay inaan garawshiyo buuxa ka bixino mustaqbalka soo socdan aan talo fiican iskaga ogaano.”

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”In badan waanu ka soo shaqaynay heerar badna waanu soo gaadhsiinay laakiinhawshu waxay u baahantahay wakhti dheer iyo dedaal aad iyo aad u dheer, anagu barigii aanu joognay talada waxaanu go’aan ku gaadhnay mar walba waxa wanaagsan ee midnimada keeni kara inaan doono haddii ay nagu adkaatana in aanan uga darin meesha ay markaas taagan tahay oo aan la sii kala irdhoobin ee meesha ay taagan tahay lagu celceliyo.”

%d bloggers like this: