Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Sababta Ay Ethiopia Uga Maqnayd Xafladii Heshiiska DP World

Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Dawladda Ethiopia oo Somaliland iyo Dp World Heshiiskii Dekeda Berbera kula jirtay ayaan laba xafladood oo loo qabtay Dhismaha Dekeda Cusub ee Berbera aan ka soo xaadirin.

Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka UCID Mr. Abyan oo ka hadlayay arrintan ayaa yidhi “Waloow saddexdii garab ee heshiiskan saxeexay sanadkan horaantiisii ay qaybi maqan tahay, laakiin waxa aad moodaa in uun in Somaliland iyo Dp World ay maqan tahay, Ethiopia wey maqan tahay sida uu madaxweynuhuba u sheegay, waxaanad moodaa in ay saamayn ku yeelatay arrinta ka socoto geeska ee hadii ay noqoto heshiiska Eritrea, laakiin waxa aynu u daynaynaa maalmaha soo socda” ayuu yidhi Murashaxii Madaxweyne Ku Xigeenka UCID.

Waxa uu dhinaca Kale Guul ku tilmaamay heshiiska DP World iyo u dhaxeeya Xukuumada

Somaliland, waxaana uu xusay in ay tahay wax u soo kordhay Somaliland dhinaceeda arrimaha Dibadda.