Xukuumada oo Dalka ka Mamnuucday Barnaamijka Africa Science Week Oo Ay Wadeen Hay’ada UNDP iyo Ururo Kale.

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba joojisay in lagu qabto dalka, mashruuca Africa Science Week, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada UNDP iyo Somali Stem Society.

Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa noo xaqiijisay in ay gabi ahaan ba joojiyeen mashruuca Africa Science Week oo Axada berri loo qorsheeyey in uu ka qabsoomo magaalada Hargeysa.

Mashruuca Africa Science week oo ay soo qabanqaabisay Somali Stem Society ayaa loo qorsheeyey inuu ka qabsoomo 6 magaalo oo Soomaaliya ka tirsan, balse sifo qarsoon loogu daray caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa wargeyska Dawan u xaqiijiyey in ay gebi ahaanba mamnuuceen in dalka lagu qabto mashruuca Africa Science Week.

“Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, dorraad ayey mamnuucday in barnaamijka Africa Science Week dalka lagu qabto, qolyahii ku hawlanaana lagu wargeliyey” ayuu yidhi masuul ka tirsan xukuumadda Somalialnd oo aanu la xidhiidhnay.

Dhinaca kale, qabashada banraamijka Africa Science Week ayuu sidoo kale ka digay in dalka lagu qabto, siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, isla markaana ugu baaqay xukuumada Somaliland iyo shacabka inay fiiro gaar ah u yeeshaan kooxo sifooyin khaldan siyaasadaha Soomaaliya uga hirgelinaya gudaha Somaliland.

“Mashruucan oo UNDP wadato waxa lagu qabanayaa dhamaan caasimadaha Soomaaliya, kolkaa caasimadaha ay sheeganayaan waxa ugu horreeya caasimada Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan u arko faragelin UN-ku ku hayaan gooni-isu taaga Somaliland. Waxaan ku baaqayaa in dawladu ka hortagto, waxii arrinkaa galayna talaabo ka qaado.”

Source Wargeyska Dawan.