Xukuumada Somaliland Oo Dawlada Itobiya Ka Dalbatay In Dekeda Berbera Laga Dhoofiyo Shidaalka Laga Soo Saarayo Dalkaasi.

Xukuumada somaliland ayaa dalka Itoobiya ka codsatay inay dib u eegto qorshaheeda ku aadan halka la marinayo dhuumaha qaadaya gaasta ay u dhoofinayso dibada ee laga soo saarayo deegaanka soomaalida si ay tartan ugula gasho wadanka Djibouti oo haatan la marinayo dhuumahaasi.

Warbaahinta Bloomberg.com ayaa sheegtay in dalabka soomaliland uu yahay kii ugu dambeeyey ee ka yimaada soomaalida kaas oo ku wajahan wadan qorsheeyey inuu soo saaroSida ay baahisay warbaahinta Bloomberg.com, dalabka xukuumada somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo dawlada Itoobiya ay qorshaynayso inay dhoofiso gaasta dabiiciga ah oo cadadkeedu gaadhayo 8 trillion iyo tijaabada saliida laga soo saaray gobolka soomaalida.

gaas isla markaana qorsheeyey inuu ka dhoofiyo meesha ugu dhaw bada cas ee soo jiidan karta mashaariicda kaabayaasha u ah dhaqaalaha.

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo u waramay warbaahinta Bloomberg.com ayaa cadeeyey dalabka ay somaliland u dirtay wadanka Itoobiya waxaanu yidhi ” waa maxay sababta aan gaasta iyo saliida qaydhin ee ka imanaysa Ogaden aan looga dhoofin Karin xeebta somaliland ee Berbera?.

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland ayaa dalabkan ku asteeyey in dekeda Berbera ay tahay mida ugu weyn geeska Afrika, isaga oo xusay in kharashka ku baxaya dhuumaha gaasta iyo saliida qaadaya uu kharashkoodu yaraanayo maadaama ay Berbera u jirto goobta gaasta iyo saliida laga soo saaray masaafo gaadhaysa 400km halka uu sheegay inay Djibouti u jirto 700km.

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland ayaan cadayn masuuliyiinta Itoobiya ee ay codsiga u direen, waxaanu sheegay in go’aanku uu yahay mid u yaala Itoobiya.

Dhinaca kale gudoomiyaha dekedaha Djibouti Abuubakar Cumar Xadi oo Email ahaan ugu waramay warbaahinta Bloomberg.com ayaa sheegay inaanay ka war hayn dalabka ay somaliland u gudbisay Itoobiya waxaanu yidhi ” kama war hayno dalabka ay somaliland u gudbisay Itoobiya, balse dawlada iyo shirkada GCL ee soo saaraysa saliida iyo gaasta Itoobiya waxay wada saxeexdeen heshiiskii lagu dhigayey dhuumaha, ganacsiguna had iyo jeer waa tartan.

Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay in dalabka somaliland ay u gudbisay Itoobiya uu yahay mid ay tartan kula galayso dalka yare e Djibouti oo ah mid ka faa,iidaysanaya halka uu kaga yaalo aduunka, iyada oo wadamada maraykanka iyo Shiinuhuna ay ku leeyihiin saldhigyo milatari oo rasmi ah, iyada oo wadanka Djibouti uu xuduud la leeyahay dalka bilaa bada ah ee Itoobiya oo haatan balanqaaday dimuqraadiyada isla markaana soo afjaray colaadii dalka Eritrea u dhaxaysay mudada dheer.