Bangiga Dahabshiil Oo Casho Sharaf ku Maamuusay Munaasibadda Todobaadka Daryeelka Macaamiisha

Hargeisa(GNN):-Munaasibadan Balaadhan Oo Lagu Qabtay Gudaha Caasimada Hargeisa Gaar Ahaan Dahabshiil Mool, Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Badiba Ganacsatada Kala Duwan ee Reer Somaliland Dad Magac Leh iyo Martisharaf Badan.

Waxaana Ujeedka Munaasibadan balaadhan Ka Waramay Gudoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group Mudane C.rashiid Oo Ka Sheekeeyey Arrimo Badan.
Guddoomiyaha Dahabshiil waxa uu sheegay in todobaadkan la dhegaystey talooyinka macaamiisha haddii ay horumar tahay iyo haddii ay dhalliil tahay, islamarkaana la dhiiri galin doono shaqaalaha u adeegga macaamiisha
“Madax badan oo Dahabshiil Bank ah ayaa jooga oo ay ka mid yihiin madaxdii East Africa Bank ee Jabuuti.
Dhammaan waxay u yimaaddeen oo aanu ayaamahan oo dhan u joognay una sii joogayaan sidii adeegga macmiisha loo
sii kordhin lahaa. Waxaan filaya in ay markii u horaysay tahay in usbuuc dhan macaamiisha la siiyo oo afkaartooda
la dhegaysto, maalgalinta lafteeda meelaha ay macaamiishu jecel yihiin culayska la saaro anaga oo eegayna rag iyo dumar ba,
dhallinyaro, waayeel, cid baayac mushtariga ku cusub iyo mid muddo dheer Baayac mushtari ahaaba”,
Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo si balaadhan ugu mahadceliyay ganacsatada kala duwan ee Soomaalida ee xafladda ka soo qayb galay iyo guud ahaan macaamiisha shirkadda ku xidhan waxaanu ammaanay doorka ganacsatada ee shaqo abuurka iyo horumarka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Dhammaystiran.