Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Cabdi Maxamuud Cumar Oo Maanta Maxkamad La Hor Geynayo Markii Shanaad Iyo Maxkamad Cusub Oo Loo Gudbiyey

Addis Ababa (GNN):- Ayadoo shalay ay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar BBCda soo gaadhay waxay sheegayaan in isla shalay la amray in Jimcaha maxkamad la hor geeyo.

Wararkan ku saabsan in maanta oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa BBC u xaqiijiyey ilo madax bannaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa.

Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii jeer ee hore.

Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.

Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Waxaa kale oo iluhu ay sheegayaan in wixii maxkamaddan ka soo baxa loo gudbin doono tii afarta goor ee hore la hor geeyey.

Maxkamaddaas hore ayaa la sheegayaa in ay leedahay go’aanka ah inay qaadato ama diiddo go’aanka maxkamaddan Cabdi la horgeyn doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii Agoosto, ka dib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: