Daawo Sawirada :- Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Burco Loogu Soo Dhaweeyey

Burco (GNN):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

GABILEY.NET