Dawlada Iran Oo Shaacisay Inay Bilowdey Sameysashada……

Iran (Ilays-News):- Xukuumadda Iiraan waxay sheegtay inay bilaawday in dalkeeda ay ku sameysato diyaaradaha dagaalka si ay adeegsadaan ciidammada militariga.

Wasiirka difaaca Iiraan , Amiir Xatemi oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday dalkaasi, ayaa sheegay in tallaabadani ay muujineyso awoodaha Iiraan ay u leedahay inay kaga maaranto quwadaha caalamka.

Amiir Xatemi wuxuu yiri”Inkastoo ay jiraan cunaqabatayna uu na saaray cadawga haddana awood ayaanu leenahay”

 

Saraakiil ka tirsan dowladda Iiraan ayaa Raadiyaha qaranka u sheegay in diyaaraaddii dagaalka ay soo bandhigeen bishii Agosto lagu sameeyay gudaha Iiraan.

Si kastaba, khuburrada militariga waxay rumeysan yihiin in diyaaradda ay Iiraan sameysatay ay lamid tahay naqshadda diyaaradda dagaalka ee Mareykanka ee F-5.

Iiraan ayaa la daala dhaceysaa inay sii haysato diyaaradaha muddada dheer ay isticmaaleysay ee lagu soo sameeyay Ruushka iyo Mareykanka.

Marka ay timaado howlgalka ka socda Suuriya,Iiraan waxay ku tiirsan tahay tageerada ay siiyaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Iiraan waxaa saaraan cadaadis caalami ah, Mareykanka ayaa cunaqabatayn hor leh kusoo roggaya Iiraan kaddib markii saddex sanno ka hor ay quwadaha caalamka ka qaadeen cunaqabataynta.

Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii nukliyerka ay dalalka caalamka ugu awoodda badan la galeen Iiraan sannadkii 2015-kii.

GABILEY.NET