Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo Xabsiga Ka Soo Daayey Xubno Ka Tirsan Qoys-Ka Boqortooyada + [ Ujeedka Uu Ka Leeyahay ]

Jiddah (GNN):- Khaalid Bin Talaal oo kamid ah qoyska boqortooyada Sucuudiga oo horraan loo xidhay inuu kasoo horjeeday howlgalka ka dhan musuq maasuqa ayaa lagu soo warramaya in xabsiga laga soo daayay.

Qoyska Khaalid bin Talaal waxay baraha bulshada soo geliyeen sawirro muujinaya dhaxal sugaha oo salaamaya eheladiisa.

Dhaxal sugahan ayaa ah wiilka uu dhalay boqorka Salmaa walalkiis.

Al Waliid oo la dhashay Khaalid wuxuu kamid ahaa tiro dad ah oo kamid ah qoyska reer boqor iyo mas’uuliyiin sar sare oo lagu eedeyay musuq maasuq kuwaaso xabsiga la dhigay sannadkii tagey.

Arrintani ayaa imaaneysa xilli uu cadaadis caalami ah saaran yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan oo ku aadan dilkii loo geystay Jamaal Khaashuqji.

 

Dadka ka faalooda siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta Sucuudiga ay isku dayayaan inay dejiyaan qalalaasaha ka dhex taagaan qoyska si ay dhexdooda garab siyaasadeed isaga helaan.

Sawirro ay baraha bulshada soo geliyeen qoyska Khaalid ayaa muujinaya isaga oo la joogo wiilkiisa oo muddo sannoyin ah kooma ku jiray.

Wargeyska Wall Street ayaa ku warramay in Khaalid Talaal uu xidhnaa 11 bilood kaddib markii la sheegay inuu kasoo horjeeday howlgalkii sannadkii tagey lagu xidhay 200 qof oo isugu jiro qoyska boqortooyda, wasiiro iyo ganacsato kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Sucuudiga ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa isku day dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu ku xoojinayo awoodda.

Dabayaaqadii bishii January, dacwad oogaha guud ee Sucuuda wuxuu sheegay in kabadan 100 bilyan oo doolar laga helay dadkii musuq maasuqa loo haystay.