Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Diyaarad Ay Saarneyd Raysal Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel Oo Si Deg-Deg Ah U Fadhiisatay +Sababta

Germany (GNN):- Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaaa sheegaya in diyaarad ay saarneyd haweeneyda madaxda ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel kuna sii jeeday dalka Argentine ayaa si deg-deg ah dhulka u fariisatay kadib markii cillad farsamo ay soo wajahday.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A340 ayaa waxaa la socday wafdi ay hogaaminayso Angela Merkel oo ka qeybgali lahaa shirka G20 oo ka dhacaya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina waxaana si deg-deg ah loo fadhiisiyay garoonka diyaaradaha magaalada Cologne.

Xilligii la dareemay in diyaaradu ay cillad soo wajahday ayaa waxa ay dul maraysay hawada dalka Netherland saacad kadib markii ay duushay waxana uu sheegay duuliyihii in cillad farsamo ay hayso balse aysan diyaaradu halis ku jirin.

Diyaarad nooca kuwa ciidamada ah ayaa loo diyaariyay wafdiga ay horkacayso Angela Merkel in ay u raacaan dalka Argentina oo maanta oo Jimce ah uu ka furmayo shirka G20 taas oo bedel u ah diyaaradii cillada ku timid.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: