Doorka Uu Ku Leeyahay Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranku Shirkada Uu Siiyey Dhismaha Wadada Hargeisa Ilaa Kalabaydh+Xogaha Ka Qarsoon Bulshada.

Hargeisa(GNN):-Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Mudooyinkii udanbeeyay ay bulshada reer Somaliland si dhow ula socdeen sifaha ay ku kala saaraan shirkadaha ku guulaysta qandaraasyada ay naadiyaan ayaa maanta waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday shirkada ku guulaysatay dhismaha wadada isku xidha Hargaysa iyo Magaalada kalabaydh ee gobolka Gabiley.

Dhismaha Wadadan ayaa  dhaqaalaha ku baxaya somaliland ay ka taageertay  dawlada jarmalku iyadoo ay wakiil ka tahay hayada ZIS,

Sifaha  loo Kala saaray shirkadihii ku tartamayay Qandaaraska Wadadan ayaa dareeno kala duwan abuurtay kadib markii ay soo baxeen xogo muujinaya Qoresheyaasha loo bixiyay iyo doorka uu leeyahay gudoomiyaha gudidada qandaraasyada oo ay isku hayb yihiin  masuulka leh shirkada la siiyay qandaraaska taasi oo  banaanka keentay wax isdaba marin iyo eex qabiil oo lagu siiyay shirkada, iyadoo arintan uu ka gadhwadeen ka ahaa gudoomiyaha gudidada qandaraasyada Mr Nuux oo ay isku jufo hoose yihiin Mulkiilaha shirkada lasiiyay ee Lagu Magacaabo  Somaliland Hono Group “Cabdirasaaq Cumaani.”

Shirkada lasiiyay qandaraaska dhismaha wadada Hargaysa iyo Kalabaydh ayaa ah shirkadihii ay xukuumada siilaanyo abuurtay mudadii ay dalka xukumaysay taasi oo qandaraasyo xaddhaaf ah hab qabiil lagu siiyay wakhtigaa,

Shirkada  lagu magacaabo somaliland hono Group ayaa hore wadooyin badan oo La siiyay wakhtigii xukuumada siilaanyo ku samaysay musuq maasuq iyo kala shaxaad dhinaca tayada balaadhka wadada ah taasi oo keentay in wadooyinkaasi badiba ay deg deg uburburaan.

Ilo Xogogaal Ah Oo Aanu helnay Ayaa Iftiimiyey in Mudadii uu Socodayba hawsha Bixinta Qandaraaskani ay Jireen Kulamo iyo Shirar Qarsoodiya Oo Ay Wada Galeen masuulka Shirkadan Gaarka Loogu Loogay Qandaraaska iyo Gudoomiyaha Hay’adan Loogu Talo Galay Inay Shirkadaha Nidaam Cadaalad Ku Dhisan Ku Kala Saarto.

Lasoco Warar dheerada oo ku saabsan sifaha loo bixiyay Qandaraaska wadada haragysa iyo kalabaydh oo malaayiin dollar ku baxayso iyo doorka ay ku leeyihiinTalaabooyinkan lagu siiyay shirkada Cabdirasaaq Cumaani gudoomiyaha gudidada qandaraasyada,Wasiir Cabdilaahi Abokor iyo Masuuliyiinta haayada wadooyinka+ dhaqaalaha lagu kala qaatay.

 

 

HARGEISA SOMALILAND

GABILEY NEWS NETWORK

        OFFICE