Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Garoon Diyaaradeed Oo Ay Maalintii Maamusho Dawlada Somaliya Habeenkiina Al-Shabaab Ay Maamusho,

Moqdisho (GNN):- Maamulka Degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi oo maalmahaan qaraxyo ay ka dhex dhacayeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakoy ayaa isaga oo la hadlay VOA wuxuu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay habeenkii ay maamulaan garoonka diyaaradaha maalintiina ciidamada Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay waxyaabaha qarxa ku aaseen garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, waxaana mid kamid ah miinooyinkaasi ku dhintay askari ka mid ah ciidamada Jabuuti.

Isaga oo ka hadlay dhinaca amaanka ayuu sheegay in Al Shabaab marar badan ay weeraro qorsheysan ka geysteen degmada iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga, maadaama hareeraha magaalada ay ku xoogan yihiin.

“Haddii aan warbixin ka bixiyo xaalada amaan, maanta waa wanaagsan tahay, shalay ayay qaraxyo garoonka geliyeen iyagii ayaana ku dhintay, haddana xaaladeena waa wanaagsan yahay”ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka amniga.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Al Shabaab badan oo doonayay inay Zakawaad ka qaadan dadka deegaanka lagu laayay deegaanka Ceel-cadde oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa go’doomiyay muddo sanad ku dhow degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, waxaana yar dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degmadaasi.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: