Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Golaha Amaanka Oo La Filaayo Inuu Qaado Talaabo Ka Cadheysiin Doonta Dawlada Jabuuti

New York (Ilays-News):- Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa qorshaynaya in cunaqabatayna hubka laga qaado wadanka Eritrea ka dib markii uu Maraykanku hoos u dhigay in la sii dheereeyo cunaqabtaynta saaran dalkaasi, iyada oo heshiis nabadeed uu dhex maray Eritrea iyo Itoobiya.

Sidoo kale dawlada Britain ayaa warqad qoraal ah oo ay  u gudbisay golaha amaanka waxay ku soo jeedisay in la qaado xayiraada hubka, mamnuucida safarada, hubka iyo cunaqabatayntanaha kale ee la saaray wadanka Eritrea sida ay baahisay wakaalada AFP.

Golaha amaanka ayaa la filayaa in 14 November uu  cod u qaado qaraar la doonayo in cunaqabtaynta hubka lagaga qaado dalka Eritrea, waxaana la filayaa in goluhu uu aqbalo soo jeedinta Britain  ka dib marka uu maraykanku isbadal ku sameeyo aragtidiisii uu hore u qabay.

Dawladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa bishii July ee sanadkan si wada jir ah u saxeexay heshiis nabadeed, iyada oo maraykankuna uu taageero u muujiyey halka wadamada Ingiriiska iyo faransiisku ay dawlada Eritrea ka dalbadeen inay dunida tusto horu marinta iyo xushmada ay u hayso xuquuqda aadanaha ka hor inta aan laga qaadin xayiraadaha saaran.

Dawlada Jabuuti ayaa iyadu hore uga soo hor jeesatey in cuno qabateynyta hubka laga qaado dawlada Eritrea  , iyada oo ay u dhaxeyso colaad dhinaca xuduuda ah , hase ahaatee qaraarkan ayaa dawaldaha Eritrea iyo Jabuuti ku boorinaya in la sii wado wada hadalka labada dhinac u socda

Halkan Guji Oo Ka Akhriso Warkan 

%d bloggers like this: