Hoggaamiyaha mucaaradka Gabon oo mar kale guul sheegtay

Axad, November, 04, 2018 (GNN) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Gabon, Jean Ping, ayaa markale ku andacooday inuu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 2016ka, xilli Madaxweyne Cali Bongo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla dalka dibeddiisa.

Mar uu ka hadlayay Magaalada Libreville, ayuu Mr Ping waxaa u dadkiisa ugu baaqay inay ka adkaadan kala qeybsanaanta ayna ku midoobaan danta guud.

Waxaa u sheegay in mowqifkaasi uu ahaa midkii uu soo bandhigay doorashadii 2016ka, waxaa uuna intaasi ku daray in u yahay qofka ku guuleystay codadka ugu badan.

Dibedbaxyo ay dhiig ku daateen ayaa dalkaasi ka dhacay kaddib markii Madaxweyne Bongo lagu dhawaaqay inuu xaddi aanan sidaasi u badnayn ugu guuleystay doorashada.

Mr Bongo, oo qoyskiisa uu dalkan galbeedka Afrika ku yaalla ka talinayay 50-kii sano ee la soo dhafay ayaa haatan lagu daaweynaya isbitaal ku yaal Magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga.

Ilaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda Madaxweynaha uu ku sugan yahay tan iyo markii la shaaciyay 10 maalmood ka hor in uu aad u daalanyahay sidoo kalena uu u baahan yahay nasiino.

Kaddib doorashadii 2016-ka, mucaaradka Gabon ayaa ku andacooday in doorashada lagu shubtay waxaa ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka balse waxaa arrinkaasi ku gacan seeray Maxkamadda Dastuuriga ee dalkaasi.

Xigasho : BBC