Daawo-Qiso Cajiib ah “Jacayl uu Jeel Ogaadeen Kala Dhantaalay Oo Jabhadnimo u Horseeday Caruusad” 

Jacayl uu Jeel Ogaadeen Kala Dhantaalay Oo Jabhadnimo u Horseeday Caruusad

Iyadoo 3 maalin uun ay ka soo wareegtay guurkeeda ayaa saygeedii iyo qaar ka mid ah qoyskeeda la xiray, waxayna sheegtay in loo caga-jugleeyay oo meel ay gasho ay wayday, sidaasi darteedna ay ku biirtay ururka ONLF.

Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa ONLF ku biirtay iyadoo 16 jir ah oo aroos ah ka dib markii ninkeeda la dhigay xabsiga Jeel Ogaadeen waxayna ka mid ahayd askartii iyaga oo tababarka ku soo dhamaystay Eritrea laga soo dajiyay magaalada Jigjiga.

Nicmo ayaa muddo dheer ka dib ninkeeda indhaha saartay waxayna BBC-da uga sheekeysay qisadeeda iyo waayihii ay soo martay.

”Waxay saygeyga ku maageen ma aqaano, jeel Ogadeen ayaa la geeyay, 9 sano ayuu halkaas ku xirnaa, hadda Jigjiga ayaan iskugu nimid isaga oo jeelka ka soo baxay iyo anigoo ciidan ah” ayey tiri Nicmo Sheekh.

Sidoo kale waxay BBC-da u sheegtay in aabeheedna la xiray oo iyada iyo ciyaalkii la dhashayba ay ku soo koreen aabo la’aan, balse hadda ehelkeedii iyo aabaheedba waa la soo daayay.

Desalegn oo ka hadlay dadkii ku dhintay Itoobiya
Itoobiya: Ciyaartooy weerartay garsoore kubadda cagta
Itoobiya oo Dayax-gacmeed direyso
”Ma aha in uu dhamaaday halgankii iyo dhibkii aan waxan u soo marnay, balse siyaasadda ayaa dhan qabow isku badashay, xagga qabow ayaan kaga miro dhalin doonnaa, haddi ay xitaa ka fursan weydo oo kulayl nala gasho, inaan geeriyoono mooye kama hari doonno oo kama tanaasuleyno halganka” ayey tiri.

Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa hadda magaaada Jigjiga kula nool saygeeda waxayna sheegtay inay hadda u diyaar garoobayaan inay ilmo helaan haduu Alle siiyo, maadama markii hore la kala waday oo wax ilmo ah aysan isku dhalin. Nimco weli ma aaminsana in hadafkeedi ay gaartay, waxayna sheegtay in xabadda uun ay joogsatay, ayna weli ku han weyn tahay inay aragto “calanka Ogaadeenya” oo kaligii taagan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Gabadhan.