Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Ah Ee Koongo Oo Askar Iyo Shacab Lagu Laayey

Saddex qof oo mid kamid ahi yahay askari ayaa ku geeryooday dalka Koongo  kadib markii askari kale uu toogtay dadkaasi oo joogay goob aas ka dhacaayey , sida ay sheegeen ciidamada Booliska ee dalkaasi .

Askarigan ayaa sidoo kale dhaawacay ilaa toban qof, kuwaas oo kamid ahaa dadka aaskaasi kasoo qayb galay  magaaladda  Jikaaba  ee gobolka Kasaay  ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Ilaa hadda lama oga sababta keentay in askarigani rasaaseeyo dadkan aaska ka qayb gelaayey , iyada oo gobolka Kasaay ay qul qulatooyin ka socdeen laga soo bilaabo 2016 ilaa 2017-kii , iyada oo ay  isku dhacyo ka dhacay ka dhacay gobolkaasi  ay ku dhinteen saraakiil , saraakiil ciidamada amaanka ka tirsan  iyo  dad ay ku jiraan khubaro ajaanib ah.

GABILEY.NET