Kalmadaha Hadalkii ugu Danbeeyey Wariyihii Lagu Dhex Khaarajiyey Safaarada Sucuudiga ee Ku Taalay Dalka Turkiga.

Sida lagu daabacay Wargeyska Sabah Newspaper oo kasoo baxa dalka Turkey waxaa la helay hadaladii u dambeeyay ee uu ku dhawaaqay Jamaal Khaashoqji, ka hor inta uusan dhiman Wariyahan  2 September ee sanadkan.

Cod la helay ayaa muujinaya in Jamal uu ku dhawaaqayay hadalo ay adag tahay in la fahmo, balse waxaa la dareemay inuu cabursanaa, Waxayna ahaayeen hadaladii u dambeeyay ee la maqlay “Waan Cabursanahay, Bacdaan ka bixiya madaxeyga, Neef ayaan qabaa”.

Waxaa muuqata in Mr Khaashoqji uu ka doodayay dilka ay u geysanayeen kooxaha horey loo diyaariyay ee kusugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee dalka Tureky.

Sida laga dheehan karay Codka la duubay waxaa Jamaal ay ku qaadatay 7 daqiiqo inuu dhinto, waxaana codka uu muujinayaa inuu ka dooday dilkiisa.

Kooxda Dilka ka dambeysay ayaa dabaqa Afaraad ee Dhismaha ku diyaariyay bacda halkaasi oo lagu googooyay Jidhka Wariyaha, waxaana ka dambeeyay falkaasi madaxa golaha Seynisyahanada Sacuudiga Salax Al Tubaigy, iyadoo ay ku qaadatay 15 daqiiqo.

Waxaa loo malaynayaa in jidhka Wariyaha kadib lagu qariyay bacda kadibna la geliyay boorsooyin, iyadoo laga fogeeyay goobta falka lagu geystay oo aheyd gudaha Qunsuliyadda, waxaana lagu qaaday Gaadhi Qunsuliyadda leedahay.

Xogahan Ayaa Imaanaya kadib Markii Maalmihii Ina Soo Dhaafay Uu Dalka Turkigu Ku Wareejiyey Wadamada Sucuudiga iyo maraykanka cadaymaha iyo Codadkii Sirdoonka Dalkaasi Soo Saareen Dalalka Maraykanka iyo Sucuudiga.