Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqaya In Aanay Doorasho Dalka Ka Dhacayn + Xiliga Ay Ku Haboontahay

Hargeysa(GNN):- Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in ay Bishan dabayaaqadeeda ku dhawaaqayaan dib u dhac rasmi ah oo ku yimid Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoomaan Bisha March ee sannadka soo socda 2019 oo ay innaga xigaan wax ka yar Afar Bilood, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrinkan oo aannu ka helnay Xisbiyada sqaranka ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen baaq ay ku shaacinayaan in gabi ahaanba doorashooyinkii qorshaysnaa Bisha March ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaamadu mar kale dib u dhacayaan taasina god ku sii ridayso hanaankii geeddi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland, mar kalena sidii caadada ahayd doorashooyinkaasi dib u dhacayaan wakhti aan la ogayn iyo duruuf ay ku dhici karaan toona oo aan la ogayn.

Toddobaadka ugu dambeeya Bishan November ayaa la xaqiijiyey in ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqaan Go’aankooda oo ay isugu yeedhi doonaan dhammaanba Madaxda Saddexda Xisbi qaran kaasi oo ay ku shaacin doonaan xaqiijinta dib u dhaca Doorashooyinka.

Dib u dhaca doorashada ee mar kale la shaacinayo ayaa la aaminsan yahay in ay halkii ugu hoosaysay dhigi doonto dhaawac weyna u gaysan doonto saaxiibtinimadii iyo wada shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland taasi oo la ogsoon yahay in ay muddoba ka niyad jabsanaayeen sida ay xaaladda Somaliland ku socoto waxaana ay dadaalo iyo awood culus galin doonaan doorashooyinka dalka Soomaaliya laga filayo in ay ka qabsoomaan sannadda 2020.

Tallaabadan Komishanku ku dhaqaaqayo wiigagga soo socda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay kala fadhiyaan khilaaf culusna ku kala maqan yihiin Axsaabta qaranku kadib markii ay xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay gabi ahaanba gaashaanka ku dhufteen kulamadii ay la lahaayeen Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE. Waxaana halkaasi ku soo gudhaysa rajadii dalkani ka qabay in ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi oo ay kuraasta ku banneeyaan Golayaasha Muddo dhaafay ee qaranku. Golaha Wakiilada ayaa fadhiya muddo ka badan 13 sano halka Golaha Deegaankuna isaga laftiisu muddo dhaafay dhawr sano.

Source:-Foore