Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Sheegay In Falal Argagaxiso Looga Soo Maleegayo Somaliland, Xili Dhawaan Ay Dib ugu Celisay Gadiid lagala Soo Baxsaday.

Jigjiga(GNN):-Madaxweynaha Ismaamulka Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya Mustafe Cagjar  oo Dhawaan Xilka la Wareegay kadib Markii Xilka laga Tuuray Maamulkii hore Cabdi Maxamuud Cumar, Ayaa Shalay mar uu la hadlayey Warbaahinta Waxaa Uu Sheegay Inay Jiraan Dadyow ka tirsanaa Maamulkiii hore cabdi maxamud Cumar oo Xidhiidh la leh Kooxaha Argagaxisada ah ee Ka Dagaalada Somalia islamarkaana ay Qorsheynayaan Sidii Khalkhal Loo galin lahaa Amniga Jigjiga iyo Somaalida ethiopia, Hadalkan Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa U Muuqday Mid Uu Somaliland Kala Mid Dhigay maamulada kala Duwan ee Ka Jira Somalia isagoo Sida Ku Cad Muuqaalkan Sheegay Inay Jiraan Argagaxiso Somaliland Joogtaa.
Hore ayaa Xukuumada Somaliland Waxay Dib U Celisay Shaqsiyaad Xilal ka Hayey maamulkii hore oo Firxadkii Soo galay Somaliland iyo Dadyow Kale oo Iyagu Lasoo Baxsaday Gaadiid tiro badan Oo lasoo galay Somaliland, Taas Oo Dawlada Somaliland Dhammaanba Wixii Alaabo iyo gadiid lagala Soo baxsaday Dib Ugu Celisay Ismaamulka Somalida Ethiopia.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan.