Madaxweynayaasha Farmaajo Iyo Afwerki Oo Gaadhay Dalka Itoobiya Iyo Hananka Loo Qaabileyy

Addis Ababa (GNN):- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhoweyd   gaadhey  magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.

Markii ay gaadheen garoonka diyaaradaha magaalada Gondar , waxaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.

Saddexda hoggaamiye ayaa qaadan doona shir saddex-geesood ah oo looga golleeyahay  natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eretrea , bishii September.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan mashaariicda horumarineed ee Gondor iyo Baxar-daar.

GABILEY.NET