Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Mareykanka oo Xayiraad Kusoo Rogtay Madaxdii Hore ee Sirdoonka Dalka Itoobiya

Addisabab(GNN):-Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal ku soo rogtay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Getachew Assefa ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay xadgudubyo ba’an mudadii uu hayey xilka taliyaha sirdoonka wadanka.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhawaan aqalka wakiilada ee Mareykanka ay soo gudbiyeen qaraar lagu dalbanayo cunaqabateynta ninkan, kaas oo markii dambe meel mariyey Congress-ka Mareykanka.

Getachew Assefa ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey in soo abaabulay isku day dil oo lagu khaarijin rabay ra’sul wazaaraha dalka Itoobiya, Abey Axmad intii lagu gudajiray dibadbax lagu taageerayey hogaamiyaha isbedal doonka ah ee la wareegay talada wadanka.

Dambiyada loo heysto Getachew Assefa waxaa sidoo kale ka mid ah inuu gaboodfalo kula kacay kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray xabsiyada wadanka intii uu ahaa taliyaha sirdoonka ee wadanka kuwaas oo isugu jira kufsi, jirdil iyo inuu koronto ku dilay maxaabiis ku xirneyd xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaalla dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Federalka Mareykanka ayaa dhawaan tilmaamay in la helay xabsiyo badan oo qarsoodi ah oo sirdoonka Itoobiya uu ku tacdiibin jiray maxaabiista, kuwaas oo 7 ka mid ah laga helay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga dhigtay in ka badan 10 sarkaal oo ka tirsanaa madaxda ugu sareysa ee sirdoonka Itoobiya, balse Getachew, taliyihii hore ee sirdoonka ayaa baxsaday ka dib markii uu ka warhelay raafka beegsanaya saaxiibadiisii hore.

Getachew Assefa oo ah sarkaal aanan wax sawir ah laga heynin, weligiina ka soo muuqan warbaahinada, ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo gobolka Tigreey oo ah halka uu asal ahaan ka soo jeedo.

 

%d bloggers like this: