Maxaa Ka Jira In Xilkii Laga Qaaday Hogaankii Hawlgalinta Sirdoonka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay in uu maanta xilka ka qaaday Hoggaankii Hawlgelinta Sirdoonka Qaranka Mucsin Aw Cali Aw Timo-case oo muddo dheer xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidanka Sirdoonka Somaliland.

breaking_news_1_

Xil-ka-qaadista Mujaahid Mucsin Aw Cali, ayaa ku soo beegmaysa xilli toddobaadkii hore   siyaabo kala duwan xilalkii looga qaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Maamulihii Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf, oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan Masuulka maanta xilka laga qaaday, taas oo abuurtay dareenno kala duwan oo hadal-hayntooda aad looga dareemayo deegaannada magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyadoo marba marka ka danbaysa ay isasoo Tarayaan dareennada lagaga soo horjeedo xil-ka-qaadista Xubnahan isku deegaanka Koonfurta Hargeysa ama Sallaxlay ka soo wada jeeda lagu sameeyey intii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mucsin Aw Cali, ayaa ka mid ahaa Dhalinyaradii ka qaybgashay Halganka Ururkii Hubaysnaa ee SNM dalka dib ugu xoreeyey, halka xilal kala duwan uu ka soo qabtay dalka illaa Xukuumadii Madaxwayne Cigaal oo uu ahaa Xubnihii ugu horreeyay ee lagu bilaabay aas-aaskii Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland, isla markaana uu tan iyo wakhtigaa xilal muhiim ah ka soo qabtay.

Sidoo kale, waxay Dadka qaar tallaabadan ay ku xidhayaan xusuusteeda, tallaabo dabayaaqada xil-hayntii Xukuumaddii hore ee Kulmiye ee Axmed-Siilaanyo Madaxweynaha ka ahaa xilka lagaga qaaday Saraakiil Ciidammada kala duwan ka tirsanaa oo uu ka mid ahaa Hoggaankii Hawlgelinta Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale iyo kuwo kale oo ay dhammaantood isku Beel ahaayeen Masuuliyiinta kor ku xusan.

Hase-yeeshee, Dareennada kasoo baxaya ficillada lagaga soo horjeedo xil-ka-qaadista Xubnahan isku deegaanka ah ee ay Dadka Warbixinteennani soo xigatay, ayaa tilmaamaya inay arrintan ama tallaabooyinkani dhalin karaan ama abuuri karaan Mucaaradad adag oo lagala horyimaaddo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Inkasta oo aan xogo rasmi ah laga haynin sababaha xil-ka-qaadista Masuuliyiintaas, marka laga reebo Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Madaxweynuhu xilka ka qaaday tobankii bishan 11-aad 2018-ka ee aynu ku jirno oo loo arkayey inay galaafteen khilaafyo dhex-maray Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Maaliyadda, haddana ma cadda Xubnaha kale waxa keenay in xilalka laga qaado.

Balse, waxay Dadka arrintan falanqaynaya qaarkood ay calaamatu-su’aal gelinayaan ama saarayaan in xil-ka-qadista Maamulihii Madaarka Cigaal iyo Hoggaankii Hawgelinta Sirdoonka Qaranka xilka qaadistoodu ay kasoo fushay dhinaca Madaxtooyada oo uu Madaxweynuhu ogyahay iyo in ay taallaabooyinka fuliyeen Masuuliyiin iyagu wada qorshe Xukuumadda lagaga horkeenayo deegaannada dalka qaar.

Si kastoo arrintu tahay waxa xaqiiqada ku xeeran tallaabooyinkan isu-ekaaday kala caddayn doona Tirsiga Maalmaha iyo Tallaabooyinka kuwan xiga oo Dabcan wadciga iyo aragtida maanta muuqata si togan wax uga beddeli kara ama si taban wax ugu kordhin kara iyo hadba isha uu arrimahaas ku eego Madaxweynaha Jamhuuriyaddu.

Source-Wajaalenews.