Maxaa Sabab U Ah In Boqor Salmaan Ka Gaabsado Dilka Wariye Jamaal Khashoqji Khudbadii Shalay Uu Baarlamaanka U Jeediyey ?

Jiddah (GNN):- Boqor Salmaanka dalka Sacuudiga ayaa ammaanay waaxda caddaaladda ee dalkiisa, iyadoo ay sii kordhayso caddaadiska dibadda kaga imanaya ee ku saabsan dilka loo gaytsay saxafi Jamal Khashoqji.

Isaga oo markii u horraysay meel fagaare ah ka hadlay tan iyo markii Jamal Khashoqji lagu dilay magaalada Istanbul bishii hore, boqorku wuxuu sheegay in dalkiisu “uusan ka weecanaynin” fulinta caddaaladda.

Si kastaba ha ahaatee si cad uma uusan sheegin in uu hadalkaas ula gol leeyahay dilkaas, boqorka ayaa ereyadaas yidhi  intii uu khudbadda ka jeedinayay kala fadhiga sannadlaha ah ee Golaha Shuurada.

Dawladda Sacuudiga ayaa diiday eedaymaha sheegaya in amiirka dhaxalka leh uu ku lugleeyahay dilka.

Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in dad aad u qaab daran ay dileen Khashoqji kuwaas oo uu hoggaaminayay sarkaal sirdoonka dalka ka tirsan.

Saxafigan oo wax ku qori jiray wargayska Washington Post ayaa caan ku ahaa dhaliilidda dawladda Sacuudiga waxaana la dilay markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul oo uu ka rabay waraaqo uu uga baahnaa si uu u guursado, arrintaasina waxay dhacday 2 bishii Oktoobar.

Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CIA ayaa la sheegay in baaritaankii ay waday ay ku soo gababaysay in amiir Maxamed bin Salmaan oo 33 uu ka dambeeyay dilkaas, balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaan wali ayidin gunaanadkoodaas.

GABILEY.NET