Musharaxiinta Doorashada Konfur Galbeed Somalia Oo Dalab Cusub Iminka Soo Saarey + Noocu Yahay

Baydhabo (Ilays-News):- Gole ay ku mideysan yihiin musharixiinta madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in dib loo dhiggo waqtiga doorashada oo lagu ballamay markii hore 17ka bishan.

Dhinaca kale musharixiinta ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu xilka uga digay madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xilka iska casilay galinkii danbe ee maalintii shalay.

Qoraal ay wada jir u soo saareen musharixiintan ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la soo dhameystiro xubnihii iska  casilay Guddiga doorashada, xubno cusubna la horgeeyo baarlamaanka, si  loo ansixiyo.

Musharixiinta baaqan ku midoobay ayaa sidoo kale dalbada in  Beesha Caalamka ay ku garab gasho sidii ay doorashada u noqon laheyd mid daah furnaan ah oo si xalaal ah u dhacday.

Halkan Hoose Ka Akhriso War Saxafadeedka

GABILEY.NET