“Muuse Biixi Wuu Dheel Dheelayaa Wax Kasta Oo Doorasho La’aanta Ka Yimaada Isagaa Qaadi Doona…”Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Hargeysa (GNN):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiye Cirro waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inaanu daacad ka ahayn Kulamadii kala duwanaa ee ay yeesheen islamarkaana uu dheel dheel iyo ciyaar uun uga jeeday, waxa uu nidar ku galay inaanu kulan dambe keligii la yeelan doonin, isagoo sidoo kalena sheegay inay masuuliyadda Madaxweynaha tahay oo lagala xisaabtami doono inay doorashada Golayaasha Qaranku wakhtigooda ku qabsoomaan.

Gudoomiye Cirro oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maamuladdii kala dameeyay ee Somaliland Soo maray  midba duruufihiisa ayuu lahaa,laakiin dhaliilo intii hore ka badan ayaa Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye Shacbigu usoo jeedinayay,hadii ay tahay Midnimada Shacbiga, hadii ay tahay Dhinaca Amniga, haddii ay tahay Dhaqaalaha, inta dhaliilo faro badan ayay shacbigu hadh iyo habeen soo jeedinayaan in badani wax way ka jiraan Soo jeedimahaasi Shacbiga ka imanaysaa iyo dhaliilahaasi”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo u waramay Universal tv.

 

Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in masuuliyada doorashadu ay saaran tahay madaxweyne Muuse Biixi waxaanu yidhi “Qaranka waxaa hogaaminaya oo sida dastuurku sheegayo ka masuul ah Madaxweynaha, Doorasho inuu qabtana Madaxweyaha ayuu xilkeedu saaran yahay,wixii dhaliil ah ee Dib u dhaceeda ku yimaadana isaga ayaa ka masuul ah, annagu doorashada diyaar ayaanu u nahay Xisbi ahaan, Mana aha markii u horaysay ee komishanka la soo jeediyo in la badelo, Xisbiga KULMIYE 2009-kii waxa uu soo jeediyay in Komishanka la badelo isaga oo aan waliba doorasho qaban, waxa uu soo jeediyay in Doorashadii deenka iyadoo markaa diyaar ahayd in dib loo dhigo, labadii arimoodba waa uu aqbalay Madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Riyaale Kaahin, Muu odhanin Maxkamadda Ha tagaan, Markaa waxaan qabaa Sabab kasta oo ay Doorashadu dib ugu dhacdo masuuliyadeeda Cidi la wadaagi mayso, Madaxweynaha ayaa iska leh”.

Dhinaca kale gudoomiye Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey siyaasada uu xisbiga Waddani kula dhaqmayo xukuumada “waxa laga yaabaa in Dadka Qaarkood ay yidhaahdaan WADDANI dawladda wuu ku kacsan yahay, laakiin waxaan sheegayaa inaan Toban jeer la kulmay Madaxweynaha, Anigoo keliday ah iyo anaga oo Xisbiyo ah ama Xisbiga WADDANI kelidiis ah, intaa waxaanu kala hadlaynay dee arimo qaran uunbay ahaayeen, Doorashooyinku ka mid ayay ahaayeen, haseyeeshee Waxaa ayaan daro ah Maalintii dhawayd ee BBC-du waraysiga ka qaaday Madaxweynaha, waxaa ka muuqatay Madaxweynaha Hadalkiisa ama Nuxurkiisu ahaa Kuma khasbani wixii talo ah ee ay soo jeediyaan Xisbiyadda Mucaaridka ahi, taas macnaheedu waxa weeyi inaannu qiime weyn siinaynin Waxaasi oo kulamo ah ee lala yeeshay Macnahiisu waxa weeyaan uun sidaan anigu u fahmay “ii kaalaya aan isla kiin sawiro, taydana waan ku soconayaaye”, taasina arin Suurtagalaysa maaha, anigu shakhsiyan waxaan hadda u sheegayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland, anigu shaqsiyan laba jeer ayaan la kulmay Madaxweynaha, Markaan dhagaystay hadalkiisii maalintii dhawayd iyo qiimaha uu siinayo Gudoomiyayaashu inay la kulmaan iyo Axsaabtu waxaa iiga muuqata inaanay Macno badan u samaynayn la kulankoodu, markaa Shakhsiyan waxaan go’aansaday inaanan mar saddexaad keligay Madaxweynaha la kulmin”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.