Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Safiirka Imaaraatka Ee Soomaaliya Oo Shaaciyay Qorshe Ay Damacsan Yihiin Bilaha Soo Socdo

Moqdisho (GNN):- Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Danjiraha Imaaraatka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi ayaa kulanka uu la yeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya ku yeeshay inuu yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka Imaaraatka iyo Xafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya.

Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Imaaraatka Carabta ee kor u qaadidda Xasiloonida, amaanka iyo horumarinta Soomaaliya ay sara u qaadi doonaan bilaha soo socdo, taasina ay tahay qorshe ay damacsan yihiin.

Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa xidhiidhkoodu  uu mugdi galay waxii ka dambeeyay markii lacag ka timid Dubai lagu qabtay Aadan Cadde, iyadoo kahorna go’aan laga gaadhay Shirkadda DP world oo heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa Imaaraatka ku amaantay taageeradii ay siiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana wakiilka QM ee Soomaaliya ka dalbaday caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Imaaraatka ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu ku xad gudbay madax banaanida dalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dacwado badan ka geystay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: