Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Galbeedka Burco Oo Cadho Kaga Soo Huleeyay Kulan U Balansanaa Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta

 

Hargeysa (Ilays-News):- Koox Siyaasiyiin ah oo miisaan Culus Oo kasoo jeeda Deegaanka Galbeedka Magaaladda Burco oo kulan gaar ahi u balansanaa Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulankoodii baaqday  kadib markii ay kooxdaasi ka biyo diideen arin u saamixi wayday sida la sheegay inuu kulankaasi fulo.

Warkan oo lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Tusmo24.com ayaa lagu sheegay in Kooxdan Siyaasiyiinta ah oo sida la sheegay Cadho kaga soo huleeshay Madaxtooyadda kadib markii ay u cuntami wayday hanaankii uu u qaabilay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wax ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista hawada Xukuumaddii hore Farxaan Aadan Haybe, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii UDUB Siciid Sulub Maxamed,Masuuliyiin kale iyo nin sarkaal Ciidan ahaa oo magaciisa lagu sheegay Ilkacase. Warkan ayaa intaasi ku daray in xiitaa uu masuuliyiintan la socday oo uu horkacayay Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo ay isku deegaan kasoo wada jeedaan.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Kooxdan siyaasiyiinta ahi wakhtigii ay balantu ahayd ee uu Madaxweynuhu  u qabtay inay ku tageen Madaxtooyadda islamarkaana ay si toos ah ugu hagaageen Xafiiska gaarka ah ee Madaxweynaha taasi oo sida warbixintan lagu sheegay albaabka loo furay balse waxa sida xogtani nagu soo gaadhay ee aanu ku helnay waxa wakhtigaasi Madaxweynaha Xafiiskiisa la joogay Laba masuul oo sida la sheegay mid ka mid ahi uu hore uga mid ahaa Wasiiraddii ugu tunka waynaa Xukuumaddii hore ee Siilaanyo kuwaasi oo Madaxweynaha Kulan albaabadu u xidhna  la lalahaa.

Si sax ah looma garanayo sababta dhabta ah ee Siyaasiyiin uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ay la kulmi kari waayaan Madaxweynaha oo waliba ay balani ka dhexaysay balse sida Wararka qaar ay sheegayaan Masuuliyiintan ayaa Madaxweynaha ka dalbaday intii aanay fadhiisan inay jecel yihiin inay isku keliyaystaan oo aanay cidi taraxin, balse ay arintaasi waxba ka suurtoobi wayday. Warar kale ayaa sheegaya in Mid ka mid ah Masuuliyiintan la fadhiday Madaxweynuhu uu markii uu arkay raggan u soo galaya Madaxweynaha ee la balansanaa uu ruqaansaday oo uu isku dayay inuu u  kala dhex baxo balse uu Madaxweynuhu hakiyay oo uu u sheegay iyagoo kooxdaasi kalena maqlaya inuu iska fadhiyo,arintaasi oo si gaar ah u taabatay Siyaasiyiintaasi islamarkaana keentay inay si deg deg ah mar qudha isku malmalaan oo ay dib uga noqdaan albaabkii ay kasoo galeen madaxtoooyadda. Wararkan ayaa intaasi ku daray in raggaasi iyagoo cadhaysan ay soo baxeen  Madaxtooyadda islamarkaana ay diideen inay dib ugu noqdaan.

Lama garanayo u jeedada kulankaasi daarnaa balse sida loo malaynayo waxa uu ahaa Kulan siyaasadeed marka loo eego masuuliyiinta meesha marayay.

Source:- Foore