Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Tirada Dadka Ku Dhintey Dagaalka Mareykanku Uu Argagixisada Kula Jiro Oo La Shaaciyey + [ Malaayiin Qof Oo …

USA (GNN):- Daraasad la baahiyey Khamiistii ayaa sheegtay in dagaalka Mareykanka uu hoggaaminayo ee ka dhanka ah argagixisada uu dad dhan nus milyan qof ku dilay dalalka Afghanistan, Iraq iyo Pakistan, 17-kii sano ee tegay.

Darasadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadii sano ee tagay ay dhimashada korortay 22 boqolkiiba.

Dhimashada ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa, dad shacab ah, ciidamada milatariga iyo booliska saddex dal, iyo mintidiinta, sida ay sheegtay daraasadda oo ay sameysay jaamacadda Brown, mashruuceeda qiimaha dagaalka.

Warbixinta ayaa sheegtay in tirada dhimashada aan tooska ahayn ay dhowr jeer ka badan tahay tan tooska ah ee dagaalka uu sababay, ayna gaadheyso in ka badan hal milyan oo qof.

Dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay 147,000 oo qof, oo 6,334 ka mid ah ay yihiin ciidamada Mareykanka iyo qanderaaslayaashooda, halka dalka ay deriska yihiin ee Pakistan uu khasaaraha dhimasho yahay 65 kun oo qof.

Tirada soo hadhtay ee dhimashada oo u dhaxeysa 268,000 iyo 295,000 ayaa ka dhacday dalka Iraq, oo ciidamada Mareykanka ay galeen sanaddii 2003.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: