Turkiga Oo Chemical Iyo Aashito Ka Helay Guriga Uu Qunuslka Sacuudiga Ka Degan Yahay Istanbul

Ankara (GNN) :- Saraakiisha ciidamada amniga Turkiga ayaa sheegay in ay heleen aashito iyo maadooyin kale oo chemical ah oo lagu baabi’iyay meydka wariyihii la dilay ee sacuudiga ee Jamal Khashoggi.

Arintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Turkiga.

Ilaha danbi baarista ayaa waxay intaa ku dareen in maaadada aashitada ee loo yaqaan hydrofluoric acid iyo waxyaabe kale oo Chemical ah laga helay guriga uu degan yahay Qunsul ka sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Dowlada Turkiga ayaa bishii la soo dhaafay sheegtay in jirka Jamal markii la dilay kadib la baabi’iyay sa aan loo helin meydkiisa.

Mohammed al-Otaibi oo ah qunsulka sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa ka hadlin sunta laga helay gurigiisa ee la sheegay in falkaan loo adeegsaday.

Arintaan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo wasaarada arimaha dibeda Turkiga ay ku dhawaaqday in ay soo bandhigi doonto xogta ay ka heyso qaabkii loo qaarijyay Jamal Khashoggi.

Saxafigan oo da’diisa aheyd 59 jir ayaa 2 bishii hore waxaa uu booqday qunsuliyada si uu uga soo qaato warqad cadeyneysa in ay kala tageen xaaskiisa hore,balse waxaa lagu qaarijiyay dhismaha qunusliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul.

GABILEY.NET