Turkiga Oo Ogaaday Qaab Adduunku Ka Argagaxay Oo Sucuudigu Ku Sameeyey Maydka Wariyihii Jamaal Khashoggi Ee Uu Dilay

Ankara (Ilays-News):- Dambi-baadhayaasha waddanka Turkiga ee gacanta ku haya baadhitaanka kiiskii Wariye Jamaal Khashoggi ayaa waxa ay ogaadeen qaab layaab leh oo argagax leh oo Sucuudigu u galay ama u qariyey si aan loo ogaan Maydka wariyaha la dilay oo ay sheegeen in Gabi ahaanba Maydka Khashoggi lagu baabi’iyey Maaddo Ayshiidh ah oo sida xoorka u kala daadisay Maydka wariyaha.

Masuuliyiinta dowladda Turkey ayaa baadhaya suurta galnimada in meydka Wariye Jamaal Khaashuqji lagu burburiyay Aysiidh, kadib markii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, sida uu habeen hore daabacay Wargeyska Washington Post.

Saraakiil sare oo ka tirsan Dambi-baadhista Turkiga ayaa wargeyska u sheegay in Caddeymo ay ka heleen beerta ku taalla banaanka Qunsuliyadda ay ka taageertay inay ogaadaan in meydka Jamaal la dhigay meel u dhow halka lagu dilay, kadibna aan la aasin ee lagu baabi’iyay Maaddo Aysiidh ah oo aad u awood badan.

Markii ugu dambeysay ee la arkay Jamaal waxay aheyd 2 October xilligaasi oo uu galayay qunsuliyadda, balse masuuliyiinta Sacuudiga ayaa qiray in Jamaal uu u dhintay murun dhexmaray isaga iyo shaqaalaha, walow markii dambe Turkiga uu xogo kale bannaanka keenay.

Ilaa iyo hadda lama helin meyd wariyaha oo muddo bil ah la baadi goobayay balse Wargeysku waxa uu sheegay in dawladda Turkigu ugu dambayn ogaatay in Maydka Wariyaha inta la jarjaray oo Miishaan lagu jarjaray kadibna Aysiidh lagu baabi’iyey. Dacwad oogaha Turkiga Irfan Fidan ayaa Arbacadii shaaciyay sharaxaad ku aadan waxa baadhayaasha dambigaasi ka aamisan yihiin waxii ku dhacay Khaashuqji, waxaana la aamisan yahay in wariyaha la cabudhiyey inta irbad sun ah lagu duray markii uu qunsuliyadda galay, iyadoo qorshaha uu ahaa mid hore loosii diyaariyay. Dilka Wariyaha u dhashay Sacuudiga ayaa dhaliyay walaac caalami ah, waxaana uu aad u dhaleeceyn jiray wariyaha xukunta boqortooyada Sacuudiga.

Marka hore Sacuudiga ayaa sheegay in Wariyuhu uu ka baxay albaabka dambe ee qunsuliyadda, waxaana 19 bishii October ay Sheegeen war kaasi ka duwan oo ahaa inuu ku dhintay gudaha Qunsuliyadda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee CIA Gina Haspel ayaa u safray Turkey todobaadkii hore si uu dib ugu eego caddeymaha kiiskaasi la xidhiidha, waxaana uu xog ka siiyay madaxweyne Trump, waxaanu aqalka cadi shaaciyay in la sugayo Jawaabta Trump Isniinta ka bixiyo Kiiskaasi.

GABILEY.NET