“ Waa In Talaabo Laga Qaado Xaalada Badhan ..” Siyaasi Cabdilaahi Jawaan

Hargeysa (GNN):- Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ka   Hadley xaalada Magaalada Badhan oo maamulka Puntland ay sheegeen in ay ka dhisayaan xaruntooda labaad ee baarlamaanka Maamulkooda .

Cabdilaahi Jawaan waxaa uu sheegay in ay badhan tahay Somaliland isla markaana xaaladeeda talaabo laga qaado oo aan sidaas lagu eeganin

“ Badhan Waa Somaliland , Waxii mashaariic ah ee horumarin ah meel kasta  ha ka timaado waa wax dadkii loo qabanaayo , lakiin marka ay arin siyaasadeed ay noqoto dee in la eegto ma aha waa in talaabo laga qaado “ ayuu Yidhi Cabdilaahi Jawaan.

GABILEY.NET