Waa Noocma Sharciga Cusub Ee Talyaaniga Ku Xadidayo Muhajiriinta Ku Soo Qulqulaya

Italy (GNN):- Reysal wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.

Shan tii bilood ee ugu dambeysay, waxa yaraaday dadkii soo galootiga ah ee imanayay dalka Talyaaniga, kadib markii dowladda dalkaasi ay ka hor istaagtay tiro doonyo ah oo sidey tahriibayaal doonayay inay dalkaasi soo galaan. Doonyahaasi qaarkoood ayaa waxa qaabilay dalalka Spain iyo Malta.

Sharcigan cusub ayaa soo galootigii hore u joogay Talyaaniga iyo midka cusub ee imanayaba si isku mid ah u saameynaya, Balse waxa la hakin karaa kaliya marka uu baarlamaanka dalkaasi uu diido, kaas oo heysta illaa iyo horraanta bisha Diseembar.

Haddaba, wararkii ugu dambeeyay xaaladda soo galootiga, ayaa Jamaal Axmed Cismaan waxa uu ka wareystay Zakariye Maxamed Cali oo ah suxufi iyo filim sameeye deggan magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga.

GABILEY.NET