Waddani Iyo Ucid Oo Ka Arrinsanaya Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka, Xilli Uu Madaxweyne Biixi Socdaal Ku Marayo Gobalada Bariga + [ Wararkii Ugu Danbeeyey ]

Hargeysa (GNN):- Kulamo siyaasadeed, ayaa la sheegay inay u bilaabmeen madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID, xilligi uu Madaxweyne Biixi safar ku marayo gobalada bari ee dalka.

Kulamadan oo aanay warbaahintu la socon islamarkaana aan weli isu rogin kuwo rasmi ah, ayaa waxay ku bilaabmeen sida ay warar soo baxay sheegayaan kuwo dhex maray labadii murashax mucaarad ee xisbiyadan Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo toddobaadkan dalka ku soo laabtay. Waxa ay wararku sheegayaan inay ka tashanayaan xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo ay ugu horayso  qorshaha Waddani iyo UCID uga meel yaala haddii dib u dhac ku yimaado doorashada golaha wakiilada oo u muuqata inay dib uga dhacayso wakhtigii loo qoondeeyay ee ahaa March 2019.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in dhawaan ay shirar balaadhan oo rasmi ahi u furmayaan labadan xisbi si ay mawqif midaysan uga qaataan xaaladaha siyaasadeed iyo haddii uu dib u dhac rasmi ahi ku yimaado doorashadaas golaha wakiilada.

Kulamadan ayaa imanaya xilli ay aad u kala durkeen Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradku islamarkaana uu istaagay xidhiidhkii ka dhexeeyay madaxtooyada iyo madaxda mucaaradku. Madaxweyne Biixi ayaa eeddo u jeediyay mucaaradka, isagoo ku eedeeyay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro inaanu weli ku qancin natiijadii doorashada. Cirro ayaa eeddaas iska difaacay, waxaanu sheegay inuu dhawr goor oo uu la kulmay Madaxweyne Biixi uu ugu yeedhay “Madaxweyne”,  taas oo uu sheegay inay muujinayso inuu aqoonsanyahay inuu Muuse yahay Madaxweynaha dalka, waxaanu ku hanjabay inaanu kulan dambe la yeelan doonin Madaxweyne Biixi.  Madaxweyne Muuse iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa iyaguna aad u kala fogaaday.