“Wakhti Xaadirkan Uma Eeka Inay Doorasho Xiligeedii Dhaceyso ..” Xukuumada Somaliland

Hargeysa (GNN):- Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inayna umuuqan in doorashada Somaliland ku dhici karto xiligii loogu tala galay.

Wasiirka ayaa sheegay in wakhtiga  hadhay oo yar awgii aanay suura gal ahayn in doorasho dhacdo.

Wasiirka oo  ka jawaabayay su’aal doorashada ku saabsan oo lawaydiiyay ayaa yidhi

“Dimuqraadiyadu waa in dadku soo doortaan dadka iyagu matalaya ee siyaasada gacanta ku haya iyo inay  doorashooyinku xiligoodii dhacaan, waa run oo muddo dhaaf wuu jiraa  khaasatan baarlamaanka  muddo dhaaf dheer ayaa jira, dawladaha hoose waxay ahayd in kalhore laqabto, guurtidu iyadu wakhti cayiman malaha laakiin way ubaahantahay in iyadana wakhti mucayima loo sameeyo.

Markaa amuurahaasi oo dhami waa hawlo ina sugaaya qorshuhuna waxuu ahaa in bisha March ee soo socota ee 2019 ka inay doorasho inoo dhacdo wakhtigan xaadirka ahna umma eeka inay doorashadaasi inoo dhacayso waayo mudadaa inagu gaaban” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire ayaa sidaasi ku sheegay waraygi uu siiyay Telifishanka Saab.

GABILEY.NET