War Deg Dega Madaxwaynaha Somaliland oo Saaka Safar Ugu Baxay Gobolada Bariga Dalka iyo …….

Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka safarkiisii ugu horreeyay tan iyo intii uu xilka qabtay ugu baxay gobolada Bariga Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa hada ku sugan magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil halkaas oo warar ay warbaahintu heshay ay sheegayaan in madaxweynuhu mashaariic horumarineed uu ka dhagax dhigi doono, isla markaana usoo dhaafi doono gobolka togdheer magaalo madaxdiisa burco. Mudada uu ku sugan yahay magaalada Burco ayey wararku sheegayaan inuu xadhiga ka jari doono mashaariic la sheegay in laga hir geliyey magaalada halka uu kuwo kalana uu dhagax dhigi doono. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu 21-ka bisha oo ku beegan uu tagi doono magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad Madheedh halkaas oo uu ka shaacin doono mashaariic laga fulinayo magaaladaasi ,waxa sidookale la filayaa inu tagidoono gobalka Sool iyo Sanaag 

Gabiley.Net Kala Soco Wararka Safarka madaxwaynaha ….