Warbixin Shalay Lagu Daabacay War-side Kasoo Baxa Maraykanka Oo Muddaysay Xilliga La Furayo Saldhiga UAE ee Berbera

Berbera(GNN):-Saldhigii Millatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu ku furanayeen  magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si  la sheegay in la furi doono Bisha June ee sannadka fooda innagu soo haya, siday laga weriyeen ilo diblomaasiyadeed. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu shalay daabacay  Warsidaha  Bloomberg  ee dalka Maraykanka. Warku wuxuu intaas ku daray saldhiga Millatari ee Imaaraadka  hawlaha uu qaban doono ay ka mid tahay inuu ilaaliyo xeebaha Somaliland. Saldhigan Millatari ee Imaaraadku ayaa la weriyey inu u ilaalin doono marsada Berbera iyo xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 800 oo Km. Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa bayaamiyey   in budhcad baddeedu ay maraakiib ka qafaasheen xeebaha  Somaliland  bishii March ee kal-hore. Safiir Baashe Cawil ayaa waraysi lagaga qaaday Hargeysa ku  sheegay in millatariga Imaaraadka carabtu ay  taageeri doonaan  gobolka oo dhan, isla markaana ay  la tacaali doonaan Budhcad baddeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadinayo badaha. Mr. Baashe waxa uu xusay in dalka Imaaraadka Carabtu noqday xuddunta ganacsiga gobolka, sidaas darteedna aanay arrintaasi u suurtogeli karin haddii aanay ilaalin ganacsiga  badaha iskaga gooshaya. Waxa kaloo  Baashe Cawil caddeeyey in saldhiga Berbera  oo cabirkiisu yahay  42 km oo laba jibaaran  uu iskugu jiro saldhig millatari iyo laba madaar,waxaanu xaqiijiyey  in mid ka mid ah labadaas madaar uu boqolkiiba lixdan dhammaaday.