Warshadii Dhuuniga ee Hargeisa Oo Shirkad Gaara Laga Iibiyey+Qalabkii Warshadaasi Oo Iskaraab Ahaan Loo Iibinayo, Xili Wasaarada Hawlaha Guud Waday Tirakoobka Hantida Qaranka.

Hargeisa(GNN):- Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo  Talada dalka Haysay Wakhti Ku Dhow Muddo hal Sano ah Ayaa Waxaa Jira Talaabooyin Wax Ku ool Ah oo Ilaa Wakhtigan Ay u Qaaday Sidii loogu So Celin lahaa Gacanta Dawlada Dhismayaasha iyo meelaha muhiimka u Ah Qaranka Somaliland oo Xukuumadihii kala Danbeeyey ee Talada Dalka Soo maamulayey u gacan galiyeen Shaqsiyaad gaara iyo ganacsato si gaara u munaafacaadsada.

Waxaana  jiray Dhismayaal iyo Xarumo Dawladeed oo Siyaabo kala duwan loogu wareejiyey Dad Gaara Kuwaas oo Qaarkoodna Laga Iibiyey, Qaarna Laga Kireeyey Halka qaarna Sifooyin Sharciga Baalmarsan ula Wareegeen.

Hadaba Xogaha iyo baadhitaanada Ay heleen Saxafiyiinta  Shabakada Gabiley News Network Ayaa Xaqiijiyey in Warshadii dhuuniga ee  Ku Taalay Gudaha caasimada Hargeisa gaar Ahaan Xaafada Biibsiga (Pepsi), Meel Qiyaastii u Jirta dhawr iyo Labaatan Talaabo Wasaarada hawlaha Guud iyo Guriyeynta  Lagu Wareejiyey Shirkad gaar ah Taas oo Bilihii ugu Danbeeyeyba laga Waday hawlo Shaqo oo Lagu Burburinayo Dhismihii Warshadaasi Sidoo kalena Lagu jarjarayo Qalabkii ay Ka Koobnayd Warshadaasi Dhuuniga oo Sida Lanoo Xaqiijiyey Qalabkii iyo mashiinadii Ay ka Koobnayd warshadaasi Qaar laga iibiyey Qolooyin Cadaan jayniis (China) ah, halka Alaabta Warshadaasi inta Soo hadhayna Dalka itoobiya Loogu iib gaynayo Iskaraab ahaan.

Wararkan Ayaa Intaa Ku Daray in  Shirkada Ganacsi ee  Laga iibiyey oo lagu magacaabo Shirkada Caanaha Soo dajisa ee Anchor Ay ka Waddo Hawlo ay ku Banaynayso Dhismahaasi islamarkaana ay Ku Burburinayso dhismihii hore ee warshadaasi Si Ay uga Hirgaliso Dhismayaal cusub oo Shirkadaasi yeelan doonto.

Waxaana Shaqo Ka Wada gaadiidka Cagaf cagafyada iyo qalab lagu Jarjarayo Agabkii ay ka koobnayd Warshadaasi oo imika Ay kasii hadhsan yihiin qaybo yar oo kasii taagan Warshaddii dhuuniga ee Hargeisa.

Masuuliyiinta Shirkadan oo Shabakadu Ay la Sameysay Xidhiidh ayaa Iyagu Dhankooda Sheegay Inay Kiraysteen Xarunta Warshadan islamarkaana Laga Dhisayo Xarun cusub oo Ay Yeelanayso Shirkadan ganacsi, Waxaanay Noo Sheegeen In Wixii faahfaahin ah ee intaa ka baxsan aanu u doonano Wasaarada hawlaha Guud iyo Guriyeynta oo iyadu hawshan Wax ka og.

Ilo Xog Ogaal ah oo Arrintan Wax ka ogaa  Si Dhowna ula socoday Ayaa Noo Xaqiijiyey in Wasiirkii hore Wasaarada hawlaha guud  Guriyeynta Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkan xilka kala wareegay Ay iyagu ka Danbeyeen in Warshadaasi dhuuniga laga iibiyo ganacsatadan, halka amarka lagu jarjaryo Qalabkii Warshadaasi iyo Dadyowga Shisheeye ee laga iibinayaba uu bixiyey wasiirka hawlaha guud ee Wakhtigan uu Madaxweyne Biixi u magacaabay.

Sikastaba ha Ahaatee Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo  Wakhtigii ololaha  Goobo Badan Kagaga Khudbadeeyey Islamarkaana Ku Daray Buug Siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye Ku galay ololaha Doorashada Ayaa Qoryashaal Cadcad iyo Talaabooyin Wax Lagaga Qabanayo Ilaalinta Hantida Qaranka Si Waafiya bulshada ugu balan Qaaday taas oo madaxweyne Biixi marar Badan Sheegay Inaaney Dhinci Doonin in Xoolaha Dadweynaha Cid gaara Gacanta Loogu galiyo,

Walow Ay hadaba Jiraan Dadaalo  iyo Amaawiir Madaxweynahu Hore uga Soo Fulay oo Gacanta Dawlada Lagu soo celinayo Dhamaanba Wixii hanti dawladeed ah ee u gacan galay Shaqsiyaad ama Cid gaara, Haddana Wali Waxa jira  Goobo iyo Xarumo Dan Guud oo Loo baahnaa in Umada Loo Ilaaliyo oo u Gacan galay Cid Gaara Sifo kasta oo ay Kula Wareegeenba kuwaas oo Qaarkoodna wali socodaanba hawlahoodu.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Waxa uu  Dhawaan  Bulshada usoo Bandhigay inay Wadaan Baadhitaano iyo Tiro koob Lagu Sameynayo laguna Diwaan galinayo hantida Guryaha Danta guud ee Qaranka Xili Ay Jiraan Goob iyo Xarumo Waaweyn oo Guryo ah oo laga Iibiyey ganacsato iyo Cid Gaara  oo Ay Warshadani Dhuunigu qayb ka Tahay, Waxaanay u muuqanayaan talaaabooyinkan uu Wasiirku hore Bulshada ugu Sheegay kuwo u Muuqda Indho Sarcaad iyo marin habaabin Bulshada lagu jeedinayo.

La Soco Waxaana Aanu Si Toosa idiinku soo gudbin Doonaa Qiimaha Lacagta la Kala Siistay Dhismahan Ay Ku Fadhido Warshadani iyo Lacagta Ku Baxday iyo Cida Ay jeebka Ugu Dhacdayba.

Warbixin Muuqaal ah Oo la Xiidha Arrintan Ka Daawo Shabakada Gabiley News.