Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Wasiirka Difaaca Turkiga Iyo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Dalkaas Oo Muqdisho Imaanaya +Ujeedkooda

Moqdisho (GNN):- Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaadhaan  wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaba-qaabada soo dhaweynta wafdiga.

Wafdigan waxaa kamid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga iyo Saraakiil ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana socda soo dhaweynta mas’uuliyiinta dowladda Turkiga.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa Soomaaliya, gaar ahaan dhiggiisa wasaarradda difaaca ee Soomaaliya, iyagoona ka wada hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa xidhiidhka  ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: