Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Xabaal Wadareed Laga Helay Xadka Oromada Iyo Soomaalida + Tirada Meydadka

Addis Ababa (GNN):- Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen xabaal wadareed ay ku jiraan labo boqol oo mayd ah, taas oo ku taalla xadka u dhaxeeya Oromada iyo deegaanka Soomaalida.

Boqollaal kun oo ruux ayaa ka barakacay rabshado horay uga dhacay halkaas.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabaasha la helay intii la waday tacaddiyo lagu eedeeyay in uu gaystay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi ayaa hadda ka war sugaya maxkamad qaadaysa dacwaddiisa isaga oo ku eedaysan in uu huriyay iskudhac qawmiyadeed.

Booliiska gacanta kulul ee Liyuu Booliiska loo yaqaanno ayaa lagu eedeeyay in ay gaysteen dilalkaas ka dhacay inta u dhaxaysa Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya, waxayna lagu soo warramayaa in ay si toos ah uga amar qaadan jireen madaxweynaha.

Booliiska ayaa isku dayaya in ay aqoonsadaan 200 ee mayd.

Cabdi Maxamuud ayaa bishii Agoosto lagu qasbay in uu is casilo, toddobaad ka dibna xabsi ayaa la dhigay, ka dib markii ay rabshado ka dhaceen caasimadda gobolka ee Jigjiga.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ku luglahaa xadgudubyo baahsan oo aadanaha ka dhan ah kuwaas oo ay ka mid yihiin jir dil, kufsi iyo dil dhacay muddadii 13 sano ahayd ee uu xilka hayay.

Bishii hore ayay warbaahinta dawladda Itoobiya lala xidhiidhinaayo  ee Fana ku warrantay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsigii uu ku jiray isaga oo ka booday daaqadda xabsiga uu ku xirnan yahay ka hor wakhti uu ka soo muuqan lahaa maxkamad.

GABILEY,NET

%d bloggers like this: