Xarunta Wada Xidhiidhka Qaranka oo Daah-furtay Barnaamijkii Ugu Horeeyay Ee La Kulanka Warbaahinta iyo Wasiirka Qorshaynta oo Marti Ku Ahaa.

Hargeisa(GNN):-Munaasiabad balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta wada xidhiidhka qaranka ee Wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa markii ugu horeysay lagu daah-furay barnaamijkii ugu horeeyay ee la kulanka Warbaahinta,Iyadoona barnaamijkaasi lagu soo casuumay Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac.

Ugu horayn Agaasimaha xarunta wada xidhiidhka qaraanka Deeq Aw-Cali Yuusuf oo munaasibada ka hadley ayaa ka warbixiyay barnaamijkan iyo Ujeedadiisa.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa isna si qotodheer uga warbixiyay xaruntan iyo waxyaabaha loo aasaasay.

Ugu danbayn Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibada ayaa soo bandhigay qorshayaasha kala duwan ee xukuumadu ka wado dalka,Iyadoona halkaasi ay su,aalo kala duwan ku waydiiyeen Suxufiyiintii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay barnaajimkaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.