Xildhibaan Kamida Golaha Deegaanka Hargaysa Oo Fal Isku Day Dil Ah Kula kacay Wiil Uu Dhalay Muj Haybe Cumar Magan.

HARGAYSA(GNN):- Xildhibaan Axmed Cali Haybe oo kamida Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa ayaa fal noociisu ku Cusub Yahay Caasimada Hargaysa kula kacay Wiil uu dhalay Mujaahid Haybe Cumar Magan oo kamid ahaa Saraakiishii SNM. Kadib Markii ay Isku Dhaceen Laba  gaadhi oo ay kala wateen Xildhibaan Axmed Cali Haybe Iyo Ibraahim Haybe Cumar Magan oo ah wiil 18 Jir ah.

Falkan foosha Xun  ayaa shalay Galinkii hore ka dhacay Agagaarka Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Sida ay Noo xaqiijiyeen Ehelada wiilka uu dhalay Muj Haybe Cumar Magan  ayaa sheegay in kadib markii ay isku dhaceen labadan gaadhi uu xildhibaan Axmed Cali Haybe Si Ka Baxsan Haybada iyo Xilka Uu Bulshada u Hayo  uu baastoolad ula soo baxay wiilkan isagoo ku riday islamarkaana ay xabadii uu ku riday wiilka uu dhalay  alle ha u naxariistee Muj Haybe Cumar Magan ka dhex baxday rasaastii daaqada gaadhi wallow Aanay Ku dhicin  wax khasaare ah gaadhsiinin inanka balse xabadii uu ku riday ay ku taalo gaadhi.

Dhanka kale Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka ayaa xabsiga u Tabaaxay Ibraahim Haybe Cumar Magan Isagoo ilaa hada ku xidhan Xarunta Ciidamada Taraafikada ee Bariga Hargaysa.

Ciidamada kala duwan ee amaanka ayaan wax talaabo ah ka qaadin xildhibaanka oo wali si xor ah u jooga magaalada  taasi oo argagax ku noqotay bulshada reer Somaliland iyo ehelada wiilkan.

Dhacdadan ayaa noqonaysa mid saamayn ku keeni karta bulshada reer somaliland oo hadii talaabo deg deg ah aan laga qaadin xildhibaanka ku kacay falka isku dayga dilka  ah.

Maaha Arrin ku cusub Bulshada reer somailand in ay isku dhacaan labada gaadhi iyo waxka badan taas oo cidii khaldan iyo wixii sharcigu dhigayo ay u xil saaran yihiin ciidamada Nabadgalyada wadooyinka balse shilkan labada gaadhi  iyo talaabada isku dayga dilka ah ayaa ah arrin dhaawac ku ah sumcada ciidamada amaanka iyo masuuliyada xildhibaanimo.

Inkasta oo ay xildhibaan Axmed Cali Haybe xasaanadii xildhibaanimo U noqotay  mid uu kaga baxsado falkan uu ku kacay ee  isku dayga dil ah, halka  wiilkan dhalinyarada ah lagula kacay arintan ay usoo dheer tahay  iyadoo loogu daray xadhig iyo ku kala roonaansho xaga sharciga,

Ibraahim Haybe Cumar Magan wuxuu maalintii labaad ku xidhan yahay xarunta turbataariyada Somaliland Isagoon helin Wali wax Cadaalada.

Wixii kasoo kordha falkan iyo talaabada ay ka qaadaan laamaha amaanku kala soco warkeena danbe,