Xukuumada Moqdisho Oo War Cusub Ka Soo Saarey Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya

Moqdisho (GNN):- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in si loo ilaaliyo midnimada umadda Soomaaliya muhiim tahay dardragalinta wada hadalladii lala lahaa Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ka go’day 1991kii.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kulankii shalay ee Golaha Wasiirradda Somaliya looga dooday qodobkan la xidhiidha  midnimada Ummadda Soomaaliyeed sidaa daraadeed leysla gartay muhiimadda leedahay in la soo nooleeyo lana dardargaliyo wada hadaladdii lala lahaa Somaliland.

Balse dhinaca Somaliland marka la eego madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sharuud ku xidhay wada-hadallada isaga oo sheegay in marka hore looga baahan yahay Dowladda Soomaalya in ay aqoosanato madax-bannaannida Somaliland.

Wada-hadallada labada dhinac oo muddo dheerba soo socday ayaan wax natiijo ah ka soo bixin, marka laga reebo kulmo ay isku arkeen madaxda iyo mas’uuliyiinta labada dhinac oo ka kala dhcay dalka dibeddiisa.

GABILEY.NET