Baadhitaano Wali Ku Socda Gabadhii Diyaaradda La Soo Raacday Iyada Oo Sidata Baastoolad Ay Xabbado Rasaas Ahi Ku Jiraan!! H

Haweenay ka tirsan booliiska Maraykanka oo ku jirtay fasax ayaa iyadoo baaskooladeedii ku wadata boorsada gacanta ka duushay garoonka caalamiga ah ee Los Angeles, iyadoo ku sii jeeday Gobolka Taiwan ee dhulweynaha dalka Shiinaha. Qalabka baadhitaanka ee garoonka ayaan qabanin baastooladda, Noell Grant ayayna u xaqiiqawday in ay baastoolad wadato markii ay damacday in ay diyaarad kale ka raacdo Taipei oo Caasimadda Taiwan ah.

Masuuliyiintii garoonka ayay ku wargalisay waxaana laga hor istaagay in ay ka baxdo Taiwan inta arrintaas xal looga helayo. Saraakiisha faderaalka ee Maraykanka ayaa qirtay in aan si wanaagsan loo raacin nidaamkii ammaanka ee garoonka LAX markii ay gabadhani diyaaradda ka raacaysay ee ay sidaa kula ambabaxday baastooladda.

“Masuuliyiintu ma aanay raacin “nidaamkii garoonka u dajisnaa, askariyadduse si sax ah ayay u martay goobaha lagu baadho ammaanka ee garoonka” ayuu yidhi Nico Melendez oo ka tirsan masuuliyiinta waaxda maamusha ammaanka gaadiidka Maraykanka. kuwaasi oo shir degdeg ah oo ay arrinkan ka yeesheen ku canaantay masuuliyadda arrinkaas kooxdii habeenkaasi ku jirtay heeganka madaarka gabadhani ka dhoofaysay ee ay la martay baastooladeeda iyada oo aan ogayn maadaama la xaqiijiyey in ay shandadeeda ku illowday baastooladda sababtuna ahayd in ay ahayd gabadh askariyad ah.

Wuxuu hadalka sii raaciyay ninkan masuuliyiinta ammaanka madaaarrada ka mid ahi in dadka masuulka ka ah arrintaas si munaasab ah loola xisaabtami doono. Ammaanka madaarrada ayaa wakhtigan dunida aad loo ilaaliyaa maadaama mar walba laga cabsi qabo in diyaaradaha la wax yeeleeyo ama la afduubo wakhti ammaanka dunidu aanu wanaagsanayn marka laga hadlayo kooxo badan oo argagixiso ah oo ujeedooyin kala duwan leh. Waxa laga yaabaa in baadhitaankani galaafto masuuliyiinta ugu sarraysa madaarka iyo waliba kooxda habeenkaasi shaqada ku lahayd iyada oo dawladda Maraykanku ka xumaatay sida aanay u qaban baastoolad dhan oo waliba xabbado rasaas ahi ku jiraan oo aayar lala maray dhammaanba goobaha baadhitaanada ee Madaarkaasi Los Angles.

Dhawaan ayay ahayd markii haweenay u dhalatay dalka shiinaha lagu qabtay iyada oo mindi ku soo dhex illawday shandad ay safar la galaysay taasi oo lagu qabtay madaar dalkeeda.