Bakteeriyada Sanka Oo Xal U Noqon Karta Xanuun Dadka Ku Dhaca .

Carruurta dhalata iyaga oo sanka ku wata bakteeriyooyin kala duwan ayay u badan tahay in ay durba ka bogsoodaan hargabka ama qufaca iyo caabuqa wax yeela marinnada neef mareenka carruurta, sida ay tilmaamayso cilmi baaris la sameeyay

Waxaa la rajaynayaa in cilmibaaristan ay gacan ka gaysato la tacaalidda hargabka.

Hargabka waxaa keena fayras, balse saynisyahannada ayaa doonaya in ay fahmaan inta ay la egtahay saamaynta cudurka ee bakteeriyada dabiiciga ah ku jirta marinnada hawada ee dadku ka neefsadaan.

Waxaa laga yaabaa in cilmi baaristani ay bidhaamiso sababta carruurta uu hargabku aadka ugu dhaco ay halista ugu jiraan in ay marka dambe neef qaadaan.

GABILEY.NET