Daawo :- Madaxweyne Gaas Oo Magacaabis Sameeyey Xili Muddo Ka Yar 40 Cisho U Hadhay .

Garoowe (GNN):- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 192 , ku magacaabay guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafka golaha wakiilada Puntland.

Guddiga uu magacaabay madaxweynaha Puntland oo dhammaantood rag ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, waxaana magacaabiista ay ku soo aadday xilli musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ay ku baaqayeen in si tallo-waadag ah lagu magacaabo guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafka Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland.Doorashada madaxweynaha ee lagu wado in la qabto siddeeda bisha Jannaayo ayaa waxaa wax dooran doona 66 xildhibaan, nidaamka oo ay u dhacaysay doorashada guud ee Puntland tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1998.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

https://youtu.be/_NXHsDup4iY

GABILEY.NET